Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudi loo saaray wax ka badalida dastuurka qabyada ah

Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya ayaa Khamiistii shalay ahayd waxa ay ansixisay gudi cusub oo madax banaan oo dib-u- eegi doona dastuurka iyo arrimaha la xariira amniga.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa dib u eegista iyo waxkabadalka Dastuurka Soomaaliya.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in markii la soo dhameeyo waxkabadalka dastuurka ay qaban doonaan afti dadweyne.

Wasiirka waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.