Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi ku saabsan sarkaalkii booliska ahaa ee lagu dilay weerarkii baarlamaanka

Weerarkii Al-shabab ay qaaday baarlamaanka Soomaaliya 24-kii bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa si weyn difaaca xildhibaannada uga qeyb qaatay askari lagu magacaabi jiray Daahir Gurxan Mahamuud.

Dhame Dahir ayaa isu dhigay oo xayiray gaarigii walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ee ay Al-shabab la beegsatay albaabka xarunta baarlamaannka, halkaa ayuuna ku dhintay.

Soomaali badan ayaa u riyaaqday geesinnimada askarigaasi, waxaana sawiradiisa ay qabsadeen baraha bulshada gaar ahaan barta facebook.

Waxa sidoo kale amaanay askerigaasi, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Abdirizaq Gurxan Maxamud waa nin la dhashay dhamahaasi dhintay, waxa uu ku noolyahay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaji Xuseen.