Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siilaanyo oo oggolaaday dhexdhexaadin

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa aqbalay dhexdhexaadin ay wadaan Golaha Guurtida ee Somaliland oo ku saabsan khilaafka xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Laba shir oo ay kala qabsan lahaayeen labada garab ee iska soo horjeeda ee xisbiga khilaafku ka dhex taagan yahay ee Kulmiye ayaa sidoo kale la baajiyay kadib dadaal xoog leh oo ay sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland oo uu hoggaaminayo Suleymaan Maxamuud Aadan.

Waxay aqbaleen labada dhinac ee xisbiga Kulmiye in guurtidu ay dhexdhexaadiso oo ay galaan arrinta khilaafka.

Horey waxay ula kulmeen guurtidu garabka Guddoomiye Muuse Biixi, iyaga oo maantana la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Haddaba Guddoomiyaha golaha guurtida Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa markii uu la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu Farxaan Maxamed Jimcaale, uga warramay sida uu u dhacay kulanka.