Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaanno eedeeyay beesha caalamka

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil wuxuu eedeynayaa beesha caalamka

Koox mudanayaal ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay beesha caalamka gaar ahaan UN, EU iyo IGAD inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Mudanayaasha ayaa ka jawaab celinayay hadal ay 27-kii bishan May si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Urur Gobolleedka IGAD oo ay kaga hadlayeen xaaladda ammaanka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaannada maanta shiray waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Jabriil Xoosh, waxaa telefonka magaalada Muqdisho ku wareystay Farxaan Maxamed Jimcaale.