Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daryeelka ay u baahan yihiin dadka qaba cudurada dilaaga ah

In la dhinto waa xaallad qof kasta oo inaga mid ah uu maalin mari doono.

Siyaabo kala duwan ayay dadka u dhintaan, qaar sakaraadka laguma dhibo oo si fudud ayay nafta uga baxdaa, qaar kalana nafta ayaa kudada dheeraato oo waxa ay maraan xanuun iyo sakaraad.

Dadkaasi waxaa u badan kuwa ay ku dhacaan cudurada dilaaga ah sida AIDS-ka iyo Kansarka.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dadka uu sakaraadka ku daba dheeraado ay u baahan yihiin xanaano, balse 10-kii qofba mid ka mid ah ayaa helo daryeel caafimaad.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaano daryeelka ay u baahan yihiin dadka ay cudurada soo ritaan ayaa waxaanu wareysanay Dr. Cabdiqaadir Maxamed Warsame oo ku takhasusay cudurada dhimirka ama maskaxda, waxa uu u warramay weriyaha BBCda Suheyba Maxamed Badqas.