Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka dhigan tahay safaarada ay USA ka furanayso Muqdisho?

Madaxweyne Obama ayaa qorsheynayo in uu ku dhawaaqo safiirkii ugu horreeyay ee uu Mareykanka u diro waddanka Soomaaliya tan iyo markii dalkaasi uu ku hoobtay dagaal sokeeye muddo ka badan labaatan sano.

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, Wendy Sherman, ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay muujinayso xiriirka qotada dheer ee uu Mareykanka la leeyahay Soomaaliya iyo kalsoonida ah in mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo dalka Soomaaliya.

Inkastoo labadani dal aanay weligood xiriirka isu jarin, haddana Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddii uu ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii 1991-kii, laba sano kaddibna siddeed iyo toban ka tirsan ciidammada Mareykanka ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya dagaal ay la galeen maleeshiyo beeleed, taasi oo sababtay in Mareykanka uu ciidamadiisa halkaasi kala baxo.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysanay Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur, waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.