Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Golaha Guurtida oo go'aamo soo saaray

Image caption Kulanka go'aamada laga akhriyay ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa go'aamo ka soo saaray khilaafkii xisbiga Kulmiye ee Somaliland labada garab u kala qaybiyay. Labada dhinacba waa ay aqbaleen go'aamada Guurtida oo ay ugu muhiimsanaayeen in cid walba ay isu sharrixi karto madaxtinimada.

Waxaa kale oo ay go'aamiyeen Guurtidu in wixii maxaabiis ah ee lagu xiray intii uu socday khilaafka in la sii daayo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu ku dhawaaqay inuu aqbalay go'aamada guurtida, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi isna wuxuu yiri: waan aqbalay go'aamada guurtida inkastoo la igu jiifsaday.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Caciid Cige ayaa goob joog ahaa munaasabadaasi oo nooga soo diray warbixintan.