Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda Soomaaliya oo gargaar gaarsiisay Waajid

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor diyaarado gargaar sida ka dejisay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Gargaarkaasi oo raashin ahaa ayaa lagu soo warramayaa in aan weli loo qeybin dadka tabaaleysan kaddib markii Xarakada Al-shabab ay xanibaad saartay degmadaasi.

Ibraahim Cabdullaahi Axmed (Sheelare) waa sarkaal wasaarada arrimaha gudaha ugu qaabilsan samafalka, waxaana khadka telefoonka ee Waajid uu ugu warramay weriyaha BBC-da Yusuf Xasan.