Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kufsiga Jamhuuriyadda DRC

Shirka caalamiga ah ee ku saabsan kufsiga goobaha dagaalada ayaa ka bilowday magaalada London, waxaana martigalinaya gabadha jilaaga Holywood ee ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Angelina Jolie iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK, William Hague. Dalalka ka qaybgalaya waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo (DRC), Somalia iyo Bosnia - Dalalka kufsiga uu ka dhaco "si baaxad leh", ayaa Mr Hague uu u sheegay BBC.