Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heshiis madaxwayne Salva Kiir iyo Riek Machar

Dowladda iyo mucaaradka South Sudan ayaa isla ogolaaday in la soo afjarro dagaalka oo la dhiso dowlad ku meel gaar ah inta muddo lixdan maalmood ah, sida ay Ethiopia sheegtay.

Kooxda goboleed ee IGAD, oo dhexdhexaadinaysa labada dhinac ee South Sudan, ayaa ku hanjabtay in cunaqabatayn la saarayo hadii ay ku guuldaraystaan in ay heshiiska fuliyaan.

Waxaa uu go'aankan ka dambeeyay kulan dhif ah, oo madaxwayne Salva Kiir iyo hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.