Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurada dhimirka ee ka dhasha Kufsiga

Todobaadkan waxaynu idin soo gudbinaynay warbixino ku saabsan tacadiyada loo gaysto dumarka warbixinadaas oo aan ku beegnay shirweynaha ka socda magaalada London ee looga hadlayo xadgudubyada dhanka galmada ee loo geysto dumarka, gaar ahaan kufsiga.

Maanta waxa aynu ka hadli doonaa saameynta ay tacadiyada kufsiga ku yeeshaan dhibanayaasha, gaar ahaan dhanka maskaxda ee soo gaara haweenka la kufsado.

Waxaynu arrimahaasi ka warraysanay Dr. Cabdulqaadir Xuseen Warsame oo ku takhasusay cudurada dhimirka, waxa uu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.