Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maktabada Qaranka ee Muqdisho oo la dayactirayo

Magaalada Muqdisho oo aan laheyn wax maktabad ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa haatan in maktabad la dhiso waxaa isu taagtay Saynab Xasan oo ah gabar Soomaaliyeed.

Saynab waxa ay ka hadashay qorshaheeda ku aadan dhismaha Maktabada iyo horrumarka ay ilaa iyo haatan ka sameysay dhismaha iyo caqabadaha ka hor yimid.

Saynab Xasan, waxaa Mareykanka kula kulmay oo wareysigan la yeeshay weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine).