Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaadka Kenya oo maalintii ugu dambeysay loo dhoofinayo UK

Maanta ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee dalkan Kenyan jaad laga dhoofiyay uu ka degi doono dalka Britain, kadib markii dalkaasi uu jaadka ku daray maadooyinka daroogada ah.

Haddaba dalka Kenya qoomiyadda Meru ayaa aad u beerta jaadka kana gannacsada, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan ganacsato Soomali ah oo sannadihii ugu dambeeyey si xooggan uga dhex muuqda ka gannacsiga iyo suuq-geynta jaadka.

Weriyaha BBC-da Axmed Haji Xasan ayaa booqday goob ku taalla xaafada Islii oo lagu diyaariyo jaadka ka hor inta aan la dhoofin, warbixintan ayuuna kasoo diray.