Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Garissa oo doonaya in Khaatka la mamnuuco

Maalin uun kaddib markii dalka Britain laga mamnuucay Khaatka, ayaa culimada Islaamka ee magaalada Garissa waxa ay ku baaqayaan in Khaatka sidoo kale laga manuuco gobolka Waqooyi-Bari Kenya ee ay Soomaalidu degto.

Culimada ayaa go'aankani ku gaaray shir ay shalay ku yeesheen magaalada Garissa.

Sheekh Cali Guure, waxa uu ka mid yahay culimada Garissa shirkaasi ka qeyb galay, waxaa uuna u warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodaay.