Khat
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saamaynta ganacsi ee mamnuucidda Khaatka ee Britain

Britain ayaa waxay manta ku biirtay waddamada kale ee mamnuucay cunista Qaadka, oo ay inta badan cunaan dadka ka soo jeeda Somalia, Yemen iyo Itoobiya. Dowladda ayaa sheegaysaa mamnuucida qaadka in ay Briatin kala mid dhigayso waddamada kale eek u jira midowga Yurub iyo Maraykanka.

Dadka taageersan joojinta qaadka ayaa ku dooda inuu keenay dhibaatooyin caafimaad iyo bulsho halka kuwa taageerayay in aan la joojin ay ku doodaan inuu yahay dhaqan bulsho iyo balwo la isaga madadaasho.

Kenya ayaa ah waddanka tirada ugu badan ee qaadka u dhoofiya Britain. Weriyaha BBC-da Ahmed Haji Hassan oo jooga degaanka Meru ee bariga dalka Kenya halkaas oo laga beero qaadka waxa uu sheegayaa in beeralayda ay ku baaqayaan in aanan laga joojin qaadka ay u dhoofinayeen Britain.