Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sharciga Jinsiyadda Soomaaliya oo Jabuuti looga doodaya

Waxaa caadimadda Jabuuti ka socda shir looga hadlayo sharci cusub oo ku aaddan jinsiyadda Soomaaliya.

Waxaa Soomaaliya weli ka jira sharcigii jinsiyadda loo sameeyay sanadkii 1962-dii, kaasoo la sheegay in uu dhowr meelood ku khilaafsan yahay dastuurka qabyada ah ee dalka u yaalla.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, waxa uuna arrimaha shirka uga warramay Maxamed Cabdiraxman.