Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maroodiga oo ka cabsada shinnida

Sanadooyin badan waxa soo noqnoqday isku dhaca dhax mara bani'aadamka iyo duurjoogta,waxayna duurjoogta inta badan isku dhacaan beeralayda iyo xoola dhaqatada.

Arrintan waxay saameyn gaar ah ku yeelatay bulshooyinka kunool meelaha lagu xanaaneeyo ama lagu ilaaliyo duurjoogta.

Maroodiga ayaa ka mid ah duurjoogta ay adagtahay in loo sameeyo xeen-daab la isaga ilaaliyo, wuxuuna dhibaateeyaa beeralayda oo uu ka burburiyaa dalaga ay beertaan.

Balse baaritaan ay sameeyeen seynisyahano jooga dalka Kenya ayaa waxa lagu ogaaday in maroodigu uu ka baqo shinida.

Sidaasi darteed, ayaa dalka Kenya waxaa laga bilaabay marshuuc lagula dagaalamayo maroodiga iyadoo loo adeegsanayo shinida.

Halkan ka dhagayso warbixin arrintan ku saabsan oo uu soo jeedinayo Xassan-deeq Cabdullahi Haybe.