Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Drs Fatuma Sh. Cali Jimcaale

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareysanaya Drs Fatuma Sh. Cali Jimcaale

Marka laga soo tago lacagaha biilasha ah ee ay dadka Soomaaliyeed ee qurba joogta ahi u diraan dalka, waxaa jira in qaar badan ay iyaguna barnaamijyo horumarineed iyo waxtar kaleba ay ka geystaan dalka.

Waxaa ka mid ah waxtarkaasi in qaarkood ay furaan goobo waxbarasho oo carruurta wax lagu baro iyo xarumo caafimaad oo dadka wax loogu qabto.

Cudurrada dhimirka ku dhaca waxay ku soo bateen dalka mudadii ay dhibaatada dagaalladu ka jireen.

Haddaba shirkii Soomaalida quraba joogta ee dhawaan lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu kula kulmay Drs Faatuma Shiikh Cali Jimcaale, oo ku taqasustay la tacaalidda cudurrada dhimirka waxaana uu ka wareystay isbitaal dadka dhimirka ka xanuunsan lagu daweeyo oo dadka qurba joogtu ay ka sameeyeen magaalada Burco.