Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qiimo koror ku yimid khudaarta magaalada Muqdisho

Suuqyada magaalada Muqdisho waxa qiimo koror uu ku yimid khudaarta, miraha iyo dalagyada raashinka ee dalka ka soo go'a.

Ramadaanka ayaa waxa badan dalabyada dadka ee khudrada iyo miraha dalka ka soo go'a taasoo sii kordhisay sicirka, waxaana suuqyada ka jira saxmad aad u badan.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aaden oo booqday qaar kamida suuqyada magaalada ayaa warbixintan Muqdisho ka soo direy.