US: ciidan ilaa 120 ayaa naga jooga Soomaaliya

  • 3 Luulyo 2014

Mareykanka ayaa qirtay in ay ciidamo ka joogeen Soomaaliya, waana markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Saraakiil Mareykan ah, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamo yar oo Mareykan ah oo ay ka mid yihiin ciidamada howl-gallada gaarka ah ay talo bixin iyo adeegyo kale ka wadeen qaybo kala geddisan oo ka tirsan Soomaaliya.

Mareykanka, ayaa haatan sii xoojinaya xiriirkiisa diblomaasiyadeed iyo kan milatari ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay wadaan dagaal ka dhan ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Midowga Yurub, ayaa sidoo kale tababar milatari siiya ciidamada Soomaaliya.