Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaasha Muqdisho oo qabow uu saameeyay

Laamaha digniinaha ka sii bixiya cuntada oo yaraato iyo maaraynta xogaha dhulka iyo biyaha ee hay'adda beeraha ee Qaramada Midoobay ee FOA, ayaa ka digay in xaaladda cunno ee Soomaaliya ay ka sii dari doonto iyadoo baahi deg deg ah ay qabaan dadka gudaha ku barakacay ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho.

Waxaana intaasi sii dheer iyadoo roobabkii xilliga xagaaga ee ka da'ayay todobaadkan magaalada Muqdisho ay saameyn weyn ku yeesheen barakacayaasha ku nool xeryaha.

Dadkaasi oo horay uga cabanayay cunno yari iyo biyo nadiifa oo aaney helin ayaa roobabka xagaaga iyo qabowga dhacaya ay uga sii dareen.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aden ayaa booqday mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho warbixintan ayuuna ka soo diray.