Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan ciyaaraha Video Games-ka

Waxaa maanta caalamka laga xusayaa maalinta ciyaaraha electronic-ga ee loo yaqaan Video Games-ka.

Ciyaarahaasi ayaa ah kuwo kusoo badanaya caalamka, waxaana inta badan dheela da'yarta.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan u arka saameynta ay dheeshaasi ku reebto maskaxda da'yarta inta badan qabatima ciyaarahaasi.

Dalka Mareykanka oo ay Soomaali badan ku nool yihiin, ayaa ka mid ah meelaha ay caanka ka yihiin ciyaaraha Video Games-ka.

Haddaba weriyaha BBC ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa tagay meel lagu dheelo ciyaarahaasi, warbixintan ayuuna ka soo diray.