Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dawladda oo ka hadashay weerarkii Villa Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday madaxtooyada waxaana la maqlayay qaraxyo iyo rasaas halkaasi ka dhacaysay muddo kooban.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday.

Haddaba wasiirka warfaainta ee dawladda Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa weerarka uga warramay weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Mucalimuu.