Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jaamacad Soomaaliyeed oo Kenya maydad ka qaadaneysa

Markii ugu horaysay ayaa jaamacad ku taala magaalada Muqdisho waxay heshiis ay maydad uga qaadanayso la gashay Jaamacada Kenyatta ee ku taala Nairobi.

Maydadkaan ayaa waxa loo adeegsan doonaa in ardeyda barata qaliinka wax lagu baro.

Shan mayd ayaa maalinta axada ah loo dhoofinayaa Jaamacada Caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali international University) kuna taala magaalada Muqdisho. Heshiiskaas waxa uu qaatay muddo ka badan sanad

Haddaba Dr Osman Feytaan oo ah madaxa qeybta caafimaadka ee jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa Mohammud Ali uga warramay waxa ay ku qaaday in Kenya ay u soo doontaan maydad qaliinka lagu baro ardeyda.