Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirakoobka dadweynaha Soomaaliya oo la sameeyay

Iyadoo maanta ay tahay maalinta tirakoobka dadweynaha caalamka, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay dhawaan soo saari doonto tirakoob horudhac ah oo noqonaya kii ugu horreeyay ee mudo ku dhaw sodon sano laga sameeyo dalka.

In la ogaado tirada dadweynaha Soomaaliya ayey dowladdu ku sheegtay mid muhiim u ah qorsheynta guud ee dalka.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysanay, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Dani, oo u warramay weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aaden, oo waydiiyay tirakoobka ay gacanta ku hayaan iyo waqtiga uu soo baxayo.