Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Seddax bil kadib afduubkii gabdhaha Nigeria

Saddex bil ayaa ka soo wareegatay tan iyo markii kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria ay afduubteen gabdho ka badan 200 oo ahaa arday, afduubkaas ayaa ka dhacay iskuul ku yaala waqooyiga dalka Nigeria.

Dhacdaas waxa ka naxay caalamka oo dhan, waxayna sababtay in la sameeyo olole lagu doonayo in gabdhahaas dib loo soo celiyo.

Dowladda Nigeria ayaa sheegayso inay weli ku raadineyso goobaha loo maleynayo inay gabdha ku sugan yihiin oo la geeyay.

Meleteriga dalkaasi ayaa dhankooda tilmaamay inay og yihiin halka ay gabdhaha joogaan ayna soo furan doonaa.

Gabadha u ololeysa arrima dumarka ee u dhalatay dalka Pakistan Malala Yusuf Zai ayaa ku sugan dalka Nigeria si ay ula kullanto waalidiinta dhalay gabdhaha la raadinayo boqolka maallin.

Kooxda Boko Xaraam oo sheegatay afduubka gadhahaasi ayaa waxay horey u dalbadeen in loo sii daayo maxaabiis ay dowladda Nigeria ka hayso, si gabdhaha ay u sii daayaan.