Somalia
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Howsha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka

Somaliya ayaa markii ugu horeysay u magacawday safiir dalka Mareykanka. Safiirkan ayaa la sheegayaa inuu ka shaqyen doono sidii dib loogu xoojin lahaa xiriirka Somaliya iyo Mareykanka.

howlaha kale ee hor yaal;la safaaraddan ayaa ah inay ka shaqeyso sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii Mareykanka uu dowladda gacan uga siin lahaa amniga.

Dowladda Mareykanka waxa ay ka mid tahay dalalka aadka u daneeyo arrimaha Soomaliya. waxayna horey uga fulisay gudaha Soomaaliya weeraro ay ku bartilmaameedsadeen hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab.

Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo horey u ahaan jiray Ra'iisul wasaaraha Soomaliya ayaa safaaraddaasi loo magacaabay.

Wuxuu BBC-da u sheegay in hadda Soomaaliya aysan ku leheyn dhul safaaradeed ayna marka hore kireysan doonaan dhismo inta laga helayo dhul ay Soomaaliya leedahay.

Dhulkii hore ee Safaaraddii Soomaaliya ee magaalada Washington ayaa la iibiyay xilli hore sida uu sheegay Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Mareykanka.