Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ardeyda wax ku barta Turkey

Dalka Turkiga waxaa wax ku barta ardey Soomaaliyeed oo gaaraya dhawr saddex kun kuwaasi oo ku jira dugsiyada sare iyo jaamadacaha dalkaasi.

Haddaba maxay bartaan, waa maxay caqabadaha iyo fursadaha horyaal iyo weliba rajooyinka ay ka qabaan in dalkii ay wax ugu qabtaan aqoonta ay ka qaataan Turkiga.

Waxaa dood su'aalahaasi ku saabsan dhexdhigay qaar ka mid ah ardaydaasi oo dhawaan magaalada Istanbul kula kulmay Farxaan Maxamed Jimcaale.