Fatxiyo Jaahuur
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ma la joojin karaa gudniinka hablaha?

  • 22 Luulyo 2014

Waxaa maanta ka furmaya magaalada London shir looga hadlayo xuquuqda gabdhaha, isla markaana lagu doonayo ciribtirka gudniinka fircoonka ah iyo hablaha da'da yar lagu guursado.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qiyaastii 125 milyan oo isugu jira gabdho iyo haween oo ku nool Afrika iyo Bariga Dhexe uu saameeyay gudniinka fircooniga ah.

Fatxiya Xaaji Xuseen Jaahuur, oo ah guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa waxay ka mid tahay dadka u ololeeya dabargoynta gudniinka hablaha Soomaaliyeed.

Fatxiya ayaa u warrantay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.