Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Go'aanka ka soo baxay shirka Gabdhaha

Waxaa shalay lagu soo geba gabeeyay magaalada London shir looga hadlayay xuquuqda gabdhaha, isla markaana lagu doonayo ciribtirka gudniinka fircoonka ah iyo hablaha da'da yar lagu guursado.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qiyaastii 125 milyan oo isugu jira gabdho iyo haween oo ku nool Afrika iyo Bariga Dhexe uu saameeyay gudniinka fircooniga ah.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcale ayaa ka qeybgalay shirkaasi warbixintan ayuuna ka soo diray.