Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hiba: waa in dadka laga wacyi geliyaa gudniinka

  • 24 Luulyo 2014
Image copyright BBC World Service
Image caption Hiba Mataan Wardheere waxay ka jeedisaa Iskuullada UK dhibaatada gudniinka fircooniga

Dowladda Britian ayaa marti gelisay shir caalami ah oo ujeedadiisu ay tahay sidii loo joojin lahaa gudniinka Fircooniga iyo gabdhaha iyagoo aad u yar la guursado iyo weliba guurka qasabka ah.

Dalkan Britain waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday dadaalkaasi looga hortagayo gudniinka fircooniga, iyo guurka qasabka kuwaasi oo sharciga ka soo horjeeda, marka waxaa ay tahay ujeedada in gabdhaha ay helaan xorriyad noloshooda ciddii ay doonaan iyo in aan dhibaato loo geysan.

Haddaba Hiba Mataan Wardheere oo ka mid ahayd dadkii ka qaybgalay shirka, isla markaana u ololeysa sidii loo joojin lahaa gudniinka gabdhaha ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga warrantay dhibaatada caadadan gaar ahaan Soomaalida UK.