Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta xannibaada Khat ka bil ka dib

Maanta waxaa muddo bil ah laga joogaa markii ay dowladda UK ka mamnuucday dalkeeda in la geeyo Khat-ka, oo ay aad u isticmaalaan bulshooyinka kasoo jeeda Bariga Afrika ee dalkaasi ku nool.

Dalka Kenya ayaa ahaa kan ugu badan ee Khat-ka u dhoofin jiray waddanka UK, iyadoo ganacsato badan ay ku howlanaayeen dhoofinta iyo ka ganacsiga Khat-ka.

Haddaba waxaa xirmay goobo badan oo Khat-ka lagu habeyn jiray ka hor inta aan loo dhoofin UK, goob ka mid ah goobahaasi waxaa tegay oo warbixintan inooga diyaariyay weriyaha BBCda Axmed Xaaji Xasan.