Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barlamaanka oo ka walaacsan amni xumada

Xarakada Al-shabab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa dil iyo weerarro joogta ah la beegsata xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dilalka qorsheysan ee ka dhankaha ah xildhibaannada ugu dambeeyay kii loo geystay Saado Cali Warsame.

Xubno ka mid ah Barlamaanka ayaa sheegaya in xukuumadda ay ka gaabisay sugida ammaanka xildhibaannada.

Haddaba xildhibaannadu maxay dareemayaan ama ay qorsheynayaan haddii xaaladda ay sidaan ku sii socoto?

Waxaan su'aalahaasi iyo kuwo kalaba aan waydiinay xildhibaan Muse Sheekh Cumar, oo u warramay Axmed Xaji Xasan.