Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi aan la yeelanay Majaajileyste wiil waal

Baraha ay bulshada ku wada xiriiraan sida Youtube-ka, Twitter-ka, Facebook-ga iyo kuwo kale, ayaa waxaa ku soo badanaya dhalinyarro Soomaali ah oo majaajilaystayaal ah oo barahaasi soo dhiga muuqaalo ay dadka uga qoslisiiyaan.

Soomaalida ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn u isticmaalayay barahaasi ay bulshada ku wada xiriiraan.

Majaajilaysayaashaasi waxaa ka mid ah WIIL WAAL, kuna magacdheer GH waxa uu haatan ku sugan yahay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas sheekadan ayaana dhex martay.