Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin caawiya dadka waallan xilliga soonka

Dadka qaba cudurka dhimirka ayaa inta lagu guda jiro bisha Ramadhan waxaa ku adkaata in ay helaan cunno maadaama ay maalintii oo dhan xiran yihiin maqaayadaha ay lulufka ka helaan.

Haddaba magaalada Hargeysa ayaa waxaa intii ay soctay bishan barakaysan ee Ramadhan dadka maskaxda looga jiro cunno iyo sharaab u qeybinayay Maxamed Xuseen Jagac, oo ah nin qurbaha kasoo laabtay.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa Jagac kula kulmay Hargeysa.