AMISOM
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Carruur gaajo ugu dhimatay Buulobarde iyo dadka oo qaxaya

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in carruur ay gaajo ugu dhinteen magaalada Buulobarde.

Magaaladaasi ayaa go'doon ku jirtay tan iyo markii dowladda ay kala wareegtay Al-Shabaab.

Dadkii ku noolaa ayaa hadda billaabay inay qaxaan.

Haddaba, Cabdi Cabdalla, waxa uu ka mid yahay dadka ka soo cararay magaalada Buulabarde, waxaa uu sheegay inay labo canug ay gaajo awgeed uga dhinteen.

Maxamuud Cali ayaa khadka telefoonka magaalada baladweyne kula xiriiray waxa uuna uga warramay sida ay wax u dhaceen.