Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidamo AMISOM ah oo Soomaaliya laga joojiyay Ebola dartii

Iyadoo ay sii xoogeysanso cabsida laga qabo in uu faafo cudurka Ebola ee ka dilaacay Galbeedka Afrika, ayaa ciidammada AMISOM waxa ay joojiyeen ciidammo kaga iman lahaa dalalka Sierra Leone iyo Nigeria, dalalkaasi oo ka mid ah dalalka lagu arkay cudurka.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ay hakad galiyeen ciidammo bedel ahaan uga iman lahaa waddanka Siera Leone, sababo la xiriiro cabsi laga qabo in cudurka uu soo gaaro Soomaaliya.

Korneel Cali Adan Xumad waa afhayeenka ciidammada AMISOM, waxaana uu khatka telefoonka ugu warramay Maxamed Cabdiraxman Sheekh.