Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faa'iidada naas-nuujinta dhallaanka

Shalay oo Jimco ahayd waxaa caalamka ka bilowday todobaadka naas-nuujinta ee Qaramada Midoobay, waxaana dunida oo dhan ka socda olole lagu baraarujinaayo in hooyooyinka ay ilmaha naaska nuujiyaan illaa uu jirkiisa ka adkaanayo.

Dhakhaatiirta ayaa shegaya in faa'ido weyn ay ilmaha ugu jirto in naaska la nuujiyo.

Dr Cabdirizaaq Cali Cabdillaahi waa madaxa qeybta daweynta carruurta ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa uu u warramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige, oo ugu horreyn weydiiyay waxyaabaha faa'iidada ah ee naas-nuujintu u leedahay dhallaanka.