Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaabka ugu wanaagsan ee naas-nuujinta dhallaanka

Usbuucaan caalamka waxaa laga xusayaa toddobaadka naas-nuujinta, si hooyooyinka loogu wacyi geliyo muhiimadda ay dhallaanka iyo hooyaduba u leedahay naas-nuujinta.

Haddaba hooyooyinku sidee ayay u arkaan naas-nuujinta.

Waa tan Saado Cismaan Carraale oo ah hooyo dhashay 8 carruur ah, waxaana weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ay uga warrantay khibraddeeda naas-nuujinta.