Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin ka badbaaday doon ku degtay xeebaha Libya

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa dhawaan shaacisay in sanadkan oo kaliya ay badda Mediterranean-ka ku dhinteen in ka badan 800 oo qof, kuwaasi oo ka cararayay dhibaato ka jirta waddamadooda.

Tiradan ayaa ka badan dadkii badda ku dhintay labadii sano ee ka horreysay.

UNHCR, waxa ay ugu baaqday waddamada reer Yurub in qaadaan tallaabo lagu joojinayo dhimashada dadka magangelyo doonka ah ee badda ku dhimanaya.

Haddaba Cali Cilmi Rooble waxa uu ka mid yahay dad fara ku tiris ah oo ka badbaaday dooni dhawaan ku degtay xeebaha Liibiya oo ay saarnaayeen 60 qof, oo sagaal ka mid ah ay ahaayeen Soomaali.

Cali oo haatan ku sugan magaalada Tripoli ayaa nala wadaagay wixii uu kala kulmay badda iyo sida uu ku badbaaday, waxaana khadka taleefoonka ku wareystay Xasan Cali Geelle.