Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haddii aan ogaan lahaa in Obama uu madaxweyne noqon doono?

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa tan iyo markii uu xubin ka ahaa aqalka odayaasha ayaa waxa uu danaynayay Qaaradda Afrika, waxa uuna marar badan booqasho ku tagay Afrika.

Booqashooyinkaasi waxaa ka mid ah mid uu sanadkii 2006-dii ku tagay magaalada Wajeer, xilligaasi oo uu xubin ka ahaa aqalka Senate-ka Mareykanka.

Muxumed Xasan Muumin (Dhukow) waa odey Soomaaliyeed oo xilligaasi meel fagaare ah Obama ugu xiray dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana sawiradii xilligaasi la qaaday Obama oo xiran lebiskaasi ay caqabado ku noqdeen ololihiisii doorashada sanadkii 2008-dii xilligaasi oo uu u tartamayay xilka madaxtinimada Mareykanka.

Haddaba Dhukow, ma la ahayd in Obama uu noqon doono madaxweynaha Mareykanka? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaa Bashkas Jugsodhacay waxa uu waydiiyay Dhukow oo ku nool magaalada Wajeer.