Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Beyle oo ka hadlay shirka US iyo Afrika

Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa maanta ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan hogaamiyayaasha Qaaradda Afrika iyo Mareykanka.

Madaxwayne Obama, ayaa ku martiqaaday in ka badan 50 ka mid ah hogaamiyayaasha qaarada Afrika in ay ka qeyb qaataan shirkaasi oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin; sidii la isku dhaafsan lahaa maalgashi iyo ganacsi.

Hogaamiyayaasha la mirti qaaday ee halkaasi gaaray waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka arriamah dibadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo ka mid ah waftiga la socdo madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka wareysanay shirkan. Waxa uu u waramay Weriyaha BBC-da Maxammed Xaaji Xusseen oo Washington joogo.