Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faysal C. Waraabe: Wiilku waa wiilkaygii

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa BBC u xaqiijiyay in wiil Soomaali ah oo laga arkay filim ay soo duubeen maalintii ciidda dowladda Islaamiga ah ee dhowaan laga dhawaaqay magaalada Mosul ee dalka Iraq.

Hadaba wiilkaas oo video-gu ku sheegay in uu magaciisu yahay Abu-Shucayb As-Somali, ayaa magaciisa dhabta ah uu yahay Sayid-Xuseen Faysal.

Hadaba, Cabdiraxmaan Koronto, ayaa qadka telefoonka ee magaalada Hargeisa kula xiriiray Faysal Cali Waraabe, oo uga waramay xaaladda wiilkiisa.