Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweynaaha Soomaaliya oo BBC la hadlay

Dalalka Afrika ayaa sheegaya inay aaminsan yihiin inay waxbadan ka faa'idayaan shirka Mareykanka ay la yeesheen ee uu ku ballan qaaday in labada dhinac uu dhexmarayo xiriir dhanka ganacsiga, maalgashiya iyo amniga ah.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya Madaxweynaha dowladda federaalka Xassan Sheekh Maxamud iyo xubno kamid ah golaha wasiirada oo la kulmaya wasiiro kale si ay heshiisyo ula galaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in laga caawiyo amniga iyo sidii looga faa'ideyn lahaa khayraadka dalka sida shidaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa BBC u sheegay inay ka faa'ideysan doonaan waxyaabaha ka soo baxa Kullanka.