Faysal: wiilku waa wiilkeyga

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mas'uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Finland ayaa ka hadlay arrinta nin dhallinayaro ah oo la sheegay inuu ka tegay Finland oo uu ku biiray xoogagga Islaamiyiinta ee Daacish ee ka dagaalama Iraq & Syria.

Ninka dhallinyarada ah waxaa laga daawaday cajal video ah oo la galiyey internetka, waxaana magaciisa lagu sheegay Abu-shucayb Al-Somal, hase ahaatee magaaciisa dhabta ah waxaa la yiraa Sayid-xuseen Faysal oo waxaa dhalay Faysal Cali Waraabe, oo BBC u xaqiijiyay in wiilku uu yahay wiilkiisa.

Abdirahman Koronto,oo telefoonka Hargeysa ku wareystay ayaa gud xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu waydiiyey inuu uga waramay xaaladda wiilkiisa?.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

BBC-da ayaa la xiriirtay agaasimaha arrimaha caalamka ee wasaaradda dibadda Finland, Vista Hakkanen oo yiri qofku haddii uu qaan-gaar yahay wixii uu keensado isagaa ka masuul ah.