Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wafdi kormeer ah oo ka baxay Dhadhab oo tagay Kismayo

Guddi ka kooban 19 qof oo ka baxay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa kormeer u tagay Kismaayo si ay u soo arkaan haddii qaxootiga lagu celinkaro.

Booqashana oo loogu magacdaray “soo sahmi” ayaa qaxootiga u ogolaanaya inay soo arkaan haddii dhaqaale ahaan, bulsha ahaan iyo xaqiiqda Kismaayo ay u ogolaanayaan inay halkaasi ku laabtaan.

Wafdiga qaxootiga ee tagay Kismaayo oo hadda dib ugu noqday Dhadhaab ayaa fikirkooda waxay la wadaagi doonaan dadka kale ee qaxootiga ah ee doonaya inay ku noqdaan Jubooyinka.