Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada Turkiga oo bilaabaneysa

Codbixiyayaasha Turkiga ayaa maanta markii ugu horeysay doorayana madaxweyne.

xilliyadii hore, Barlamaanka ayaa xulan jiray qofka hogaaminaya dalka.

Musharaxa ugu caansan waa Ra'iisul wasaaraha hadda xilka haya, Recep Tayyip Erdogan, kaas oo weriyayaasha ay sheegayaan inuu magac weyn ku leeyahay siyaasadda dalka Turkiga.

Laba musharax oo keli ayaa kula tartamaya doorashada. Waxaana mid kastaa laga doonayaan inuu helo in kabadan boqolkiiba 50 codadka la dhiibto.

Nuur Xasan Bukhaari waa weriye madax banaan oo ku nool magaalada Istanbul, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.