Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Calaamadaha cudurka Ebola iyo sida looga hortegi karo

Guddi ka kooban khubaro dhanka caafimaadka ah oo ka tirsan Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa ku shiraya magaalada Geneva si ay uga wada hadlaan suuragalnimada in la isticmaalo dawo tijaabo ah oo lagu daweeyo caabuqa cudurka Ebola.

Khubaradaasi waxa ay ka fiirsan doonaan halista isticmaalka dawo aan horay loogu tijaabin bini'aadamka, iyo cidda heli karta maadaama helitaanka dawo noocaasi ah ay kooban tahay.

Waxaana la filayaa in khubaradaasi ay ku dhawaaqaan go'aankooda ku aadan dawada aan tijaabada soo marin ee cudurka Ebola.

Haddaba maxay yihiin calaamadaha lagu garto cudurka Ebola, maxaase loogaga hortegi karaa, su'aalahaasi iyo kuwo kale ayaa waxaanu waydiinay gudoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya, Prof Cismaan Maxamuud Dufle, oo u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.