WHO oo Kenya uga digtay cudurka Ebola

Image caption Ebola malaha dawo

Hay'adda Caafimadka Adduunka ayaa wadanka Kenya ku sheegtay in uu halis ugu jiro in uu ka dilaaco cudurka Ebola, Viruskaas oo ah mid halis ah.

Sargaal u hadlay Hay'adda Caafimaadka adduunka ayaa sheegay in sababta ay Kenya halista ugu jirto cudurka Ebola in ay tahay safarrada badan ee kaga yimaada Galbeedka Afrika.

Waa digniintii u cuslayd ee ilaa iyo hadda ay WHO ay ku sheegto in cudurka Ebolaha uu ku faafi karo Bariga Afrika.

Khuburada caafimaadka ayaa la dagaalamaya cudurka si uusan u soo dhaafin Galbeedka Afrika, halkaas oo uu ku dilay 1,000 qof.