Nin ruxaya Calanka Koonfur Afrika
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsato soomali ah oo lagu boobay Koonfur Afrika

Dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah ayaa lagu boobay tuulooyin ku yaala degaano ku dhow dhow magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Boobka ayaa waxa uu ka dhashay sida la sheegay kaddib markii ganacsade Soomaali ah uu xabad ku dhuftay wiil South Afrikan ah oo kala cararay caag saliid ah.

In ka badan 40 dukaan oo ay Soomali leedahay ayaa lagu soo warramayaa in la dhacay.

Halkan ka dhagayso Waraysi weriyaha BBC-da Axmed Xaaji Xassan yuu la yeeshay mid ka mid ah ganacsatada, kaasi oo u baxsday magaalada Johannesburg.